Maalmo ka hor, waxaa deegaanka Bananey oo ka tirsan degmada Lagdhera lagu dilay sagaal qof oo shacab ah, kuwaas oo ay ku jiraan hooyo umul ah iyo cunug 14 maalmood jir ah. Waa dhacdo naxdin leh oo mudan in si dhab ah looga hadlo, loona raadiyo caddaalad iyo isla xisaabtan.
Hase yeeshee, waxaa muuqata in dhacdadan murugada leh ay durba noqotay mid siyaasadda lagu dhex adeegsado, gaar ahaan siyaasiyiinta beesha Cawlyahan oo siyaasad ahaan aad u kala aragti duwan.
Qaar ayaa u muuqda inay masiibadan u adeegsanayaan olole siyaasadeed, gaar ahaan dhinacyada taageersan Senator Abdul Haji inuu noqdo guddoomiyaha gobolka.
Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: ma caddaalad iyo u damqasho shacabka dhibban ayaa laga leeyahay, mise xasuuqii shacabka Reer Lagdhera ayaa loo rogay aalad siyaasadeed iyo olole kursi?
Shacabka dhibban waxay mudan yihiin caddaalad, garab istaag dhab ah iyo in mas’uuliyiintu u istaagaan sidii loo xaqiijin lahaa amniga, halkii masiibadooda laga dhigi lahaa fursad siyaasadeed.




