Follow Us on Sicial media

The meeting of the national forum of the country’s elections collapsed.





Shirkii madasha qaranka ee looga go’aan gaadhayay arimaha doorashooyinka dalka soomalia oo muddo 5 bari ah kasocday magaalada mogadisho gadhwadeena ay ka ahayd dawlada federaal ka ah ee somalia qaybna ay ka ahaayeen maamul gobaleedyada dalka marka laga reebo puntland iyo SSC khaatumo ayaa soo idlaaday natiijo laan iyo kala kac.

Dawlada federaal ka ah ayaa soo jeedisay in maamul gobaleedyadu helaan muddo kordhin oo ay doorashooyinka dawlada federaal ka ah ee 2026 dhacayo la waqti noqdaan sidoo kale gudiga doorashooyinka heer qaran ay maamulaan doorashooyinka maamul gobaleedyada.

Maamuladii yimid shirka sida koonfur galbeed,hirshabeele,galmudug iyo gobolka banaadir ayaa dhamaantood la qaatay dawlada dhexe halka jubaland ay diiday ayadoona ku xidhay in intaan go,aan la gaadhin horta miiska la keeno SSC khaatumo iyo puntland. Dadaalo badan oo la bixiyay si loogu qanciyo ahmed madoobe inuu la aragti noqdo maamulada kale ayaa noqon waayay mirodhal waxaana loo diray tiro labo jeer ah madax ka tirsan dawlada sida salah jamac raisal wasaare ku xigeenka iyo sidoo kale laftagareen iyo qoor-qoor balse hawlahaas oo dhan ayaa fashilmay.

Ahmed madoobe ayaa shalay ku noqday kismayo asagoo wax natiijo ah aan laga gaadhin shirka walina aan lasoo saarin warsexaafadeed waxaana aad loogu soo dhaweeyay magaalada kismayo asagoo safaf loogu jiro.

Sidoo kale maamulka puntland ayaa soo dhaweeyay go,aanka ahmed madoobe ee uu ku diiday waxa ka socda xamar oo ay ku sheegeen wax aan dan u ahayn umada soomaaliyeed sidoo kalana u gogol xaadhaya kala tag iyo muddo korodhsi

Warar ku Mawduuc ah

Dagaalka suudaan,RSF oo soo riday diyaarad xamuul .

Reading Time: 0:48 min

Wararka ka imaanaya wadanka suudaan ayaa sheegaya in jabhada kasoo horjeeda militaruga wadanka xukuma ee suudaan waa rsf eh inay soo rideen diyaarad xamuul muuqaalo baraha bulshada lagu faafiyay ayaa…

Akhri Warkaan

The Rise and Legacy of Yahya Sinwar: A Key Figure in Hamas

Reading Time: 2:57 min

Yahya Sinwar is one of the most important figures in Hamas, exceedingly popular in Palestinian politics. He was born in 1962 in Khan Younis of the Gaza Strip. During his…

Akhri Warkaan

why Ethiopia moving to Berbera port?

Reading Time: 1:23 min

Dawladda Itoobiya ayaa laga sugayaa go’aan ku saabsan Shidaalka laga soo dejiyo Dekedda Berbera ee Somaliland, tallaabadaas oo ka dhalatay arrimo la xidhiidha qaybinta Shidaalka iyo awoodda adeegga ee Kaydka…

Akhri Warkaan

Leave the first comment