Follow Us on Sicial media

why the state of isreal entred lebanon?

Wararka laga helayo bariga dhexe gaar ahaan xiisada u dhaxaysa Israel iyo ururka Hezbullah ayaa ah mid saacad walba kasii daraysa kadib markii la sheegay in israel isku diyaarisay weerar dhulka ah oo ay ku qaado wadanka lubnaan.

Warar soo baxay maanta ayaa sheegaya in israel si xadidan saacado gudaha ugu gashay wadanka lubnaan halkaas ooy kala kulmeen iska caabin ururka hezbullah oo ayagu ah awooda koobaad ee ku sugan wadanka lubnaan.

Israel ayaa todobaadyadan ba weeraro arxan darro ah ka waday wadanka lubnaan gaar ahaan koonfurta wadanka iyo caasimada Beirut halkaas oo ay gabi aahnba ku dishay madaxdii hezbullah ilaa hogaamiyahoodi oogu sareeyay ee Hassan Nasrallah.

Si kastaba ha ahaatee israel ayaa u muuqato mid aan ka baaqsan doonin weerar dhulka ah oo ay ku qaado lubnaan ayadoo sidoo kale la ogyahay in hezbullah haysato in ka badan 120,000 kun oo dagaal yahan oo ku kala sugan guud ahaan wadanka lubnaan gaar ahaan koonfurta wadanka oo ah dhulka dhaca xadka israel iyo lubnaan.

Sidoo kale diyaarada dagaalka isael ayaa weeraro ka gaystay xalay wadanka Suuriya halkaas oo la sheegay gaadhi ay wadatay gabadh kabtirsan TV ga wadanka suuriya in lala eegtay. Ma cadda in gabadha gaarigeedu uu ahaa bartilmaameed oo ay la socdeen saraakiil ama kooxo kale.

Warar ku Mawduuc ah

Hizbullah defeated the israel army and a fierce war broke out on the border between the two countries

Reading Time: 0:54 min

israel oo duqaymo arxan darro ah ka gaysatay wadanka lubnaan todobaadyadii lasoo dhaafay kuwaas o ay ku dishay madaxii sare ee ururka hezbullah ayaa isku dayday inay weerar dhulka ah…

Akhri Warkaan

Is Iran afraid, what prompted it to call for peace at this time?

Reading Time: 1:10 min

Madaxwaynaha iiraan mosoud pezeshkian ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu diyaar u yahay inuu hoos u dhigo xiisada kala dhaxaysa israail waa hadii laga helo israail balan qaad ay ayaduna ku…

Akhri Warkaan

Leave the first comment