Madaxweynaha Dowlad gobaleedka soomaaliyeed ee Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo maalmahii lasoo dhaafay safar ugu maqnaa Dalka Dibadiisa ayaa maanta dib ugu soo Gurya noqday Magaalada Kismaayo ee Caasimada Kumeel gaarka ah ee Jubaland.
Masuuliyiin katirsan Golayaasha kala duwan ee Dowladda iyo dadweyne kala duwan ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee Magaalada Kismaayo.
Ahmed madoobe ayaa 13 sano ee u danbeeyay ba hogaaminayay maamulka jubaland asagoo lafilayo in sanadkan dhamaadkiisa uu qabto doorasho balse ma muuqaati wax saan saan ah oo doorasho.
Dad badan ayaa qabo in ahmed madoobe doonayo inuu samaysto muddo korodhsi siduu horay ba u sameeyay,mr madoobe oo ay xilhayntiisa sharciga ah dhamaatay labo sano iyo badh kahor ayaa ku jooga xukunka muddo korodhsi labo sano ahaa oo ay ku darsadeen asaga iyo golaga wakiilada baarlamaanka ee jubaland.
Jubaland oo ah maamul gobaleedkii labaad ee laga dhiso somalia ayaa wali gaadhin caasimadeedi sharciga ahayd ee bu’aale waxayna gacanta oogu jirtaa mudoo 16 sano ah kooxda shabaab.
