W/Q: dayib Ahmed hogaanka nabad galyada deegaanka soomida Dagaal qabiil horay Ayaan u soo aragnay, waxaan u soo joognay iyada oo ay qabaa,illo hubaysan ku dagaalamaan degaanka soomaalida gudihiisa, kuwaas oo ay ku dhintaan dad badan, dawladda xilligaas jirtayna aysan u arag dhibaato.
Tusaale kooban haddaan soo qaato 2003 G.C. illaa 2014 G.C dhacdooyin kooban:
- Garbo waxaa kadhacay dagaal dhaxmaray reer walaala, ah > 130 qof ayaa ku dhimatay
- Magaalada raaso gudeheeda qabiil ku dagaalamay >120 qof ayaa ku dhimatay.
- Marsin (nusdariiq ), >70 ayaa ku dhimatay.
Yoocaale,xarshi illaa miyiga awaare dad tiro badan ayaa kukala dhintay. - Cadaadle, godeey, qooxle iyana > 50 ayaa ku dhintay.
- Wardheer/ doolo waxaa ka jiray dagaallo qabiil oo is kood ay u kala daalaan shacabku iyadoo aan dawladi dhaxgalin dad badanna ku dhintaan.
- Degmada mubaarak >200. Oo qof ayaa ku dhimatay dagaalo qabiil oo muddo socday.
- Degmada shilaabo iyo aageeda, waxa ahayd dhul ay ku dhinteen dad aad u badan dagaal dhaxmaray qabaa,il.
Masoo koobi karro xilliyadaas dagaalada qabiil ee soo dhacay Isla markaana qabiilladu is kood u kala daaleen.
Maanta waxa jira danbiile dil gaysta is kuna daya inuu ku gabado magac qabiil.
Majiraan wali laba qabiil oo inta ay isu soo qalab qaateen dagaal saacado socday uu dhaxmaray.
waxaana sabab ah in uu dhici waayo dagaal qabiil oo fool ka fool ah,maanta, dadaalka dawladda, iyo wada shaqaynta ay lala leedahay bulshada wax garadka ah.
Haya, daha amniguna waxa ay qabtaan gacan ku dhiiglaha iyo cidda kale ee isu dayda in ay qayb ka,ahaato hurinta colaadda.
Waxa jira dad bixinaya sawir ah in aysan hadda ka hor dhici jirin dagaal qabiil, halka ay ka dhigayaan shaqsi danbiila ah dil uu gaystay inuu yahay dagaal qabiil, iyadoo ay og yihiin hadda ka hor wixii soo dhici jiray.
Awoodda hay,adaha amniga, iyo bulshada samaanta rabta oo badan marnaba suuro gal ma noqonayso in ay qabaa,illo dagaalamaan oo ay kala dhargaan sidii awal dhici jirtay.
Xubnaha moodaya inuu dhici karo dagaal qabiil, gaar ahaan kuwa aan deegaanka gudihiisa joogin,
waxaan leehay lacagta aad u soo dirtaan afmiinshaarka iska dhigaya inuu reer u dagaalamayo inta soo gaadha waa uu isaga sharaabaa, ciddii qori u iibisana hay,adaha amniga gacantooda un buu gali qirigaa, marka xoolihiina haysaga bixinina waxaan jirin, ee kubixiya dhismaha horumarka bulshada ama siiya kuwa tabaalaysan.
Kuwa doonaya in ay gacan ku dhiigle ku qariyaan magac qabiil Uma suuro gasho isna hay,ada amnigu way soo qaban, gacan ku dhiiglaha cimri daa,im baa la xukumi, kuwii xamaasadda qabiilka ugu riday danbigana dib Uma soo eegayaan.
