
W/Q:mahad abdi dubad Maamulka degmada Cadaadle ayaa muuqaal aad garanayso inuu yahay inay ku baabi’inayaan guuldarradooda amni iyo midkii maamul, soo duubay. Muuqaalkaas waxay eedayn aan sal iyo raad lahayn usoo jeedinayaan Ugaas Xuseen Ugaas Cabdi (Ugas Husen Ugas Abdi). Sidaa darteed waxaan ila gudboonaatay inaan halkan ku soo qoro dhawr qodob oo ku saabsan sida uu maamulka degmada ugu fashilmay inay gutaan waajibkoodi ka saarnaa xasilinta amniga iyo ilaalinta nabadda.
- Markii u horraysay ee ay dhacday isku dhicii ka dhacay ceelka Cillaanle, maamulka degmada Cadaadle oo ay kamid yihiin:
■Cabdiwali Siigaale – Guddoomiyaha
■ Cabdi Sayid-G/xigeenka
■ Mahad- Hoggaanka Nabadgalyada
■ Ismaaciil- Xisbiga
Waxay ogaayeen kana warhayeen in xiisad dagaal uu ka jiro Ceelka Cillaanle, wayna joogeen goobtaas. Waxay ku fashilmeen inay ka hortagaan inuu dhaco dhibkii u horreeyay ee dilka ahaa.
- Maamulka Degmada iyagaa isku khilaafsanaa xallinta xiisaddii jirtay- oo waxaan ogahay inay si gaar ah xiisaddaas isugu dhaceen hoggaanka nabadgalyada iyo g/kuxigeenka
- Maamulka degmada Cadaadle ma aha maamul is haysta oo wada socda, una shaqeeya dhammaan bulshada degmada, ee way kala safanyihiin, ismana aaminsana. Degmooyin badan oo deegaanka ah ayay qabiillo kala duwan oo waliba qaarkood hayb ahaan aad u kala fog dagganyihiin, balse maamul ahaan u wada shaqeeya, bulshadana si isku mid ah ugu adeega. Laakiin degmada Cadaadle way ka duwantahay. Inay ka duwanaatana, waxaan sabab u ah maamulka gobolka Shabeelle hadda iyo horaanba, oo markasta ku mashquulsan kala qaybinta bulshada Cadaadle iyo iska horkeenka dadka walaalaha ee wada daggan. Hadalkan aan maamulka gobolka ku eedaynayo, dawladdu way soo baadhi kartaa
- Waxaan makhraati ka nahay in Ugaas Xuseen uu qayb wayn ka qaatay hoos u dhigista xiisaddii ay huriyeen maamulka Cadaadle si gaar ah waxaa xiisaddii Cillaanle gacanta ugula jira Cabdi Sayid oo ah g/kuxigeenka degmada iyo hoggaanka nabadgalyada, Mahad Aadan
- Mahad Aadan oo ah hoggaanka nabadgalyada inkasta oo uu joogay inkabadan lix sano intaana uu soo galay guuldarrooyin amni oo badan, haddana wax khibrad ah ama aqoon ah kama helin sida loo xalliyo xiisadaha
Sidaa darteed, waxaan dhammaan haykallada kala duwan ee ay khusayso ka codsanaynaa in maamulka degmada Cadaadle iyo kan gobolka Shabeelle baadhitaan lagula xisaabtamayo la sameeyo, si loo helo maamul ka hufan eex, qabiil iyo nin jeclaysi, una adeega bulshada.
Muuqaalkan askariga oo kamid ah muuqaalkii uu maamulka soo duubay, wuxuu caddaynayaa in Ugaasku uu qayb ka ahaa badbaadinta oo uu diidanaa inay dhibaato dhacdo.
FG: Dhammaan waxan aan qoray waa wax aan inta badan xaqiiqdeeda ogahay, waxaan diyaar u ahay inaan caddeeyo