Madaxwaynaha iiraan mosoud pezeshkian ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu diyaar u yahay inuu hoos u dhigo xiisada kala dhaxaysa israail waa hadii laga helo israail balan qaad ay ayaduna ku joojinayso weeraradeeda ka dhan ka ah Lubnaan syria iyo ciraaq.
Israail ayaa weerar balaadhan ku qaaday koonfurta lubnaan halkaas ooy ku weerartay in ka badan boqol diyaaradood oo ah noocii oogu danbeeyay kuwaas oo duqaymo aan horay loo arag iyo khasaaro wayn gaadhsiiiyay ururka xisbullah .
Duqaymaha arxan darrada ah iyo weeraradan ayaa lagu dilay in kabadan sadax boqol oo qof halka kun kalana ku dhaawacmeen sidoo kale burbur iyo khasaaro wayn ayay gaadhsiiyeen guud ahaan koonfurta lubnaan oo ah aag ay aad oogu xooganyihiin dagaalyahanada ururka xisbullah.
Israail ayaa todobaadkii hore jabsatay qalabka isgaadhsiinta ee ururka xisbullah ayadoona qarxisay dhamaan qalabkaas waxaana ku dhintay dad gaadhaya afartan qof halka boqol kalana ku dhaawacmeen,sidoo kale maanta ayay israail jabsatay dhaman isgaadhsiinti wadanka lubnaan iyo adeecadihii ayadoona ka sii daysay fariimo iyo codad lagu wargalinayo dadka shacabka ah inay kun mitir ka fogaadaan goobaha ay ka dhawyihiin dagaalyahanada xisbullah iyo bakhaaradooda.
Xisbullah ayaa dhankeeda boqolaal gantaal ku garaacday dhulka israail ayadoona ku guulaysatay inay khasaaro gaadhsiiyaan saldhigyo ciidan iyo warshado ku yaalo gudaha israail.
Xaalada bariga dhexe ayaa ah marxalad adag waxaana laga cabsi qabaa in dagaalku ku baaho syria,ciraaq iyo jordan halkaas oo ay ku suganyihiin kooxo gacansaar laleh xisbullah iyo iiraan.
