Wasiirka warfaafinta maamulka puntland mudane maxamuud caydiid dirir oo la hadlayay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in puntland aysan habayaraatee wax hub ay kasoo iibsan wadanka itoobiya.
Mr dirir oo la waydiiyay waxa ay ahaayeen baabuurtii shiraacnaa ee kasoo talawday xadka ismaamulka somali region ama somali galbeed uu la wadaago jamuuriyada xorta ah ee somalia ayna la wareegeen ciidamada amniga maamulka puntland sidoo kalana la arkayay ayagoo galbinaya ayaa ku jawaabay inay baabuurtaas ahaayeen baabuur ganacsi oo wado baradho iyo qudaar kale oo ay itoobiya kasoo gateen ganacsato.
Itoobiya ayaa caan ku ah inay hub soo galiso gudaha somalia ayadoo ayna jirin Ciidan iyo nidaam dawladeed oo suga kantaroolada iyo meelaha wadanka laga soo galiyo hubka iyo waxyaabaha sharci darrada ah, hubkaas oo gala gacanta qabaa’ilka iyo kooxaha nabad diid ka ah kaas oo daganaasho laan iyo burbur kale u horseeda xaalada kasoo kabanayso somalia.
Si kastaba ha ahaatee waxaan la rumaysan karin in baabuurtaasi labada ciidan la kala wareegeen ay wadeen baradho iyo ganacsi maadaama aad loo adkeeyay amnigooda oo la arkayay kolonyo iyo gaadiid askar aad u hubaysan ay saarnasyeen oo galbinayo.
Somalia ayaa ah wadan xuduudihiiso furanyihiin oo ay aad u fududahay in lasoo galiyo nooc walba oo hub ah hubkaana uu ku dhaco kooxaha argagixisada ah iyo gacmaha qabaa’ilka.
