Waxaa xalay dekeda magaalada mogadisho kusoo xidhay markab wayn oo ay leedahay dawlada masar,markabkan ayaa waday shixnado kala duwan oo hub ah kaas oo la sheegay in qaybna dawlada masar ay ku taageertay somalia qaybna ay isticamaali doonaan ciidamada masar ee la filaayo in sanadkan dhamaadkiisa ay soo gaadhaan somalia.
Tan iyo intii cuna qabataynta laga qaaday soomalia bishii december ee sanadkii hore 2023 waa hubkii oogu cuslaa ee somalia soo galo hubkan sida la sheegay.

Hubkan oo iskugu jira baabuurta gaashaaman,madaafiicda goobta iyo qaybo badanoo kale ayaa la filayaa inuu wax badan kataro ciidanka xooga dalka somalia oo ayagu aan haysan hub ku filan oo ay cadawga kula dagaalamaan.
Masar iyo somalia ayaa heshiis iskaashi amni iyo mid difaac ah wada galay bishii hore ee August kadib markii labada dawladood ba ay cadaawad kala dhax gashay dawlada itoobiya, masar iyo itoobiya oo ayagu sanadahan ba isku hayay biyaha wabiga niilka oi xidhiidhkoodu aad xumaa ayaa hadana itoobiya waxuu damac ka galay biyaha somalia ayadoo heshiis la gashay bishii january maamulka somaliland kaas ooy kula heshiisay inay siiyaan saldhig ciidan iyo aag ay ka gasho bada cas ooy ayaguna oogu badalaan inay aqoonsadaan.
Kadib dawlada somalia iyo itoobiya ayaa xidhiidhkoodu xumaaday taas oo horseeday in masar ay dawlada somalia la gasho heshiis difaac kaaso oo u ogolaanaya ina masar saldhigyo ciidan ka furato somalia .
Sidoo kale dawlada somalia ayaa sheegtay in ciidanka itoobiya ee ku sugan somalia kana mid ah ciidanka nabad ilaalinta amisom ama atmis in sanadkan oogu egtahay joogitaankooda somalia cida badalaysana ay go’aamin doonto dawlada somalia taas oo dad badan u arkeen in dawlada somalia qorshaynayso inay ku badasho ciidamo masaari ah.