Madaxwaynaha maamulka puntland siciid abdullahi deni ayaa sheegay ina soomalia u baahantahay badbaado,mudane deni oo ka hadlayay madasha nabada ee PDRC oo shir nabada ku saabsan ku qabatay magaalada garowe ayaa aad oogu dheeraaday xaaladaha ka taagan soomalia ee khuseeya amnigeeda iyo wadajirkeeda.
Madaxwayne siciid deni oo intuu xukunka madaxwayne xasaan imaaday ay aad u kala fogaadeen ayagoo isku haysta ama ku kala aragti duwan hanaanka dawlad dhiska somalia,dastuurka iyo awood qaybsiga federaalka ayaa 3 dii sanao ee u danbaysayba asaga iyo maamulka uu hogaamiyo ee puntaland ba waxay ka maqnaayeen saaxada dawlada federaal ka ah iyagoo dhaliilo iyo canbaarayn ba hawada u marinayay dawlada federaalka ah.
Siciid deni ayaa hadalkiisan ku sheegay in somalia u baahantahay badbaado deg deg ah si aan loogu laaban shir dib u heshisiin ah sida kii magaalada carta ee lagu qabtay wadanka jabuuti 22 sano kahor .
Deni oo aad ooga soo horjeeda habka dawlada federaalka ah ay wadanka u wado iyo hogaanka madaxwayne hassan sheekh oo ay isku hayaan arimo awood qaybsi ah ayaad moodaa inuu waxba reeban marba haduu soo hadal qaaday caqabad ay soomalia 20 sano kahor kasoo gudubtay in loo dhaw yahay in lagu laabto.
Si kastaba ha ahaatee khilaafka xukuumada federaalka ah iyo maamul gobaleedyada aya aah wax caadi ka ah soomalia waxaana madaxwayne walba oo imaada caqabad ku noqda muddo xileedkiisa dawlad gobaleedyada oo ayagu qaarkood ku xidhan dawlada shisheeye qaarkoodna ayna saamayn ku lahayn dawlada federaalka ah.
