Waraysi laga Qaaday Wasiirkii Hore Ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Somalia Gornayl Cabdulaahi Ciilmooge Xirsi kana mid ahaa Saraakiishii Dawladii Dhexe Ee Somalia bur-burkii ka hor, ayuu kaga Hadalay khilaafka Somalia iyo Ethiopia ee sii xumaanaya.
wasiir hore cilmooge ayaa dhaliilay Nadaamka Dawlada Somalia Uga falcelisay gudaha Dalka markii la joogo aysan ahayn xaqiiqadii laga rabay, Balse Dhanka Dibada ayuu Dawlada ku amaanay inay waxbadan ka Qabatay Dhanka Diblumaasiyada Caalamka oo ay Ethiopia tustay Kibirkeeda
Arimaha Gudaha waxa uu sheegay in Wadahadala Turkiga lagu balan sanyahay inay tahay qalad maxaayeelay nin gurigaaga kugu haysta inaad wada hadal ka furtaa waxay noqonaysa astaan kale iyo waji kale
waxa uu sheegay Dulaanka Ethiopia oo ah mid dhaba inuusan jirin ka diyaar garow muuqda oo aan lahayn ciidan iyo abaabul midna.
dhanka Kale waxa uu sheegay in Raysalwasaare Abii ahmed uu culays wayn ka haysto Gudaha Dalkiisa si uu dadkiisa u walaaleeyo ayuu ku doonayaa bada Somalia maxaayeelay waxa uu ku doodayaa in uu Dalkiisu yeesho Bad waa midka kaliya ee Walaalayn karta Dadkiisa Ethiopia ayuu yirii wasiir hore Abdullahi cilmoge
Dawladaha itobiya iyo somalia ayuu u dhaxeyaa khilaaf ka dhashay is afgaradkii dhax maray dawlada itobiya iyo maamulka somaliland kaas oo sababay in uu aad u xumaado cilaaqaadka labadada dawladood ee itobiya iyo somalia.
Dhanka kale siyaasiinta somalida iyo falanqeysha siyasada somalia ayaa siyaabo kala duwan ooga hadlay khilaafkan.
