Raisal wasaaraha xukuumada federaalka somalia mudane hamze abdi bare ayaa oogu baaqay shacabka soomaaliyeed inay ilaaliyaan madaxbanaanida iyo wadajirka dhul iyo dad ee soomalia
Raisal wasaare hamze oo ka hadalayay dhagax dhiga wasaarada arimaha gudaha soomalia oo dib loo dhisayo kadib burbur kasoo gaadhay dagaaladii sokeeye ee dalka ayaa sheegay in difaaca iyo dhawrida wadajirka dalka aan cidna lagala gorgortamayn oo ay muqadas tahay.
Raisal wasaare hamze ayaa si dadban oola hadlay maamul gobaleedyada,siyaasiinta iyo qaybaha dhaqanka bulshada asagoo ku booriyay inay itoobiya ku taageerin ama ku gacan sii damaca waalida ah ay ku doonayso badaha iyo dhulka soomaaliyeed.
Raisal wasaaraha ayaa warkiisa laga dareemayay inuu daba socdo qaar kamid ah hogaamiye goboleedyada dalka oo la tuhunsanyahay inay itoobiya ayagu ku xidhanyihiin wada shaqayn toosana ay leeyihiin.
Waxuu sidoo kale si toos oola hadlay siyaasiinta iyo salaadiinta asagoo tibaaxay inaan bulshada la jahawareerin oo aan si khaldan wax loogu fasirin taas oo sababi karto fashil iyo dibu dhac kale ayadoo la ogyahay buu yidhi raisal wasaaruhu in waxa heerkin ina geeyay uu yahay fashil
