Ninkan oo lagu magacaabo Aden geedi ayaa ah dambiilaha koobaad ee xasuuqii ka dhacay tuulada waydkaal ee gobolka afdheer gaar ahaan degmada baarey ee lagu laayay dadka shacabka ah ee birmagaydada ah .
Aden geedi asago oo xariir ah oo aanba ahayn nin dhiig shacab aan galin ayuu kolba dhinaca uu doono gobolka u dhax maraa halka hooyooyinkii iyo maatidii maalin cad oo bil ramadaan ah uu layntooda masuulka ka ahaa ayna helin cadaalad balse lagu aamusiiyay awood sheegasho iyo shaati dawladeed.
Aden geedi oo ah nin aan qayrsan oo ay agtiisa waxba ka ahayn kuwa sheegta maamulka gobolka ee tuulada makacdada ah ee hareele kuud-kuududa ayaa ah nin awood ku leh gobolka loona saadaalinayo inuu mardhaw noqon karo qofka oogu sareeya ee wax laga waydiin doono.
Si kastaba ha ahaatee ninkan ayaa wali dhiigii umada waayay cid kula xisaabtanta xag dawlad iyo mid qabiil ba waxuuna isbuucii lasoo dhaafay tagay tuulada washaaqo oo ayadu la aag ah dhulkii uu danbigaa ka gaystay taas oo cadaynaysa inuuna jirin inaba ha yaraatee nin wax baqdin ah ka qaba dadkii uu dhibaateeyay.
Hogaanka gobolka kooxda isku raranta harkoolayda ah (itaxaad) ayaa ah ayagu koox aan dan ka lahayn shacabka iyo gobolkan kaliyana u taagan danahooda ayagoo marwalba dawlada kilalka u geeya qof ay ku shaqaystaan oo gobolka u jooga.
