Nairobi (afdheer media) Abdia aziz mohamed laftagareen madaxwaynaha maamulka koonfur galbeed soomalia (KGS) ayaa maanta hadal uu ka jeediyay magaalada baydhabo ee ah xarunta ku meel gaarka ah ee maamulka koonfur galbeed ku taageeray mowqifka xildhibaanada laga soo doorto deegaankaas ay ka istaageen heshiiskii dawlada federaalka ay la gashay dalka masar.
Isbuucii hore xildhibaano badan oo kasoo jeedo koonfur galbeed ayaa ka hor yimid heshiiska dawlada federaalka ay la gashay wadanka masar,xikdhibaanada ayaa dawlada federaalka ku eedeeyay inay deegaankooda laga soo doorto ay u soo waariday nabad galyo darro iyo colaad .
Koonfur galbeed waxaa ku sugaan ciidamada itoobiya oo qayb ka ah hawl galka nabad ilaalinta midawga africa ee loo yaqaanay amisom hadana la baxay magaca atmis kuwaas oo qayb wayn ka ah amaanka maamulka koonffur galbeed .
Dawlada federaalka ayaa aad ooga cadhootay heshiiskii ama is af garadkii bishii january ee sanadkan ku dhex maray magaalada addis abebe mamaulka somaliland iyo dawlada itoobiya,heshiiskaas oo dhigayay in itoobiya hesho albaab ay ka gasho bada cas iyo saldhig milatry halka somalilnad ay itoobiya u balan qaaday inay noqonayso itoobiya dalkii u horeeyay ee u aqoonsada dawlad madaxbanaan .
Kadib is afgaradkaas labada dawladood ayaa warbaahinta isku marinayay hadalo colaad iyo hanjabaad ah waxayna dawlada somalia heshiis milatry la gashay masar oo ay itoobiya isku hayaan biyaha wabiga niilka taas oo horseeday ina qalab milatry oo diyaarado iyo askar ba iskugu jira ay masar keento gudaha soomalia gaar ahaan magaalada casimada ah ee mogadisho.
