Nairobi (afdheer media) Hargeele waxay xarunta gobolka afdheer noqotqlay sanadii 1993 dii markuu kilalku dhashay waxayna caasimada gobolka ka dhaxashay magaalada ceelkari oo ahaan jirtay xarunta gobolka inta uu kilalku dhalan.
Hargeele waa magaalo fac wayn balse aan helin maqaamkeedii taas oo dhxashiisay inay ka hadho magaalooyiinka la loodka ah ee ay waqti wad dhismeen.
marka laga soo tago hormar laanta iyo mugdiga guud ee ay la wadaagto gobolka, hargeele ayadu waxaa intaa u dheer inay gacanta oogu jirto koox manaxayaal ah ood moodo inay dumaal u heleen aayaha magaalada taasna waxay sababtay in ayadu oo caasimad gobol ah 27 sano ay maanta ka liidato bilic iyo bulshaba tuulooyin toban sano jiro.
Hargeele waa magaalada ama degmada sadaxaad ee degaanka dhan oogu dakhli soo saarka badan waxayna dawlada ka heshaa dakhliga cadadaas dhan shacab ayna siin wax adeeg dawladeed ah ayagoo dakhligaas la geeyo gobolo iyo degmooyin kale sidoo kalana ay jeebka ku shubtaan kooxda harkoolayda ah ee ku habsatay gobolka sida ayaxa.
Intaas waxaa u dheer kuma ay helin maqaamkeedi caasimadnimo waxyaabihi aasaasiga ahaa ee ay xarun gobol mudnayd sida laydka,jidka,caafimaadka iyo waxbarashada oo ah inta laga eego marka la qiimaynayo hormarka magaalo ama bulsho.
Dakhliga degmada
Hadii shacabka la gumeeyay ee hargeele ay baraarugi waayaan oo indhaha kor u qaadi waayaan ayna suaali waayaan waxa ay u tareen ama ay usoo kordhiyeen kooxdan harkoolayda ah ee aan dad iyo dalba hormarkiisa rabin waxay dhaxli doonaan xumaan iyo dib u dhac intan kasii baahsan.
