War ay baahisay wasaarada difaaca ee dawlada emarate ka carabta ayaa lagu sheegay in la dilay afar kamida askarteeda sidoo kalana la dhaawacay sagaal askari oo kamida ciidankeeda milatry ga.
Dawlada imarat ka ayaan sheegin halka uu ka dhacay dhaawaca iyo dhimashada askarta ka tirsan ciidankeeda milatry ga balse warbaahinta ayaa sheegaysa in askartan lagu dilay wadanka suudaan oo uu kasocdo qalalaase u dhaxeeya dawlada suudaan iyo jabhada Rsf.
Sida la rumaysanyahay dawlada suudaan ayaa duqayn ka gaysatay maanta garoon diyaaradeed oo ku yaala gobolka darfur halkaas oo lagu tuhmayo inay joogeen ciidanka imarate ka oo ayagu sahay iyo taakulo siinayay jabhadan .
Si kastaba ha ahaatee imarate ka ayaa aad loo rumaysanyahay inuu faraha kula jiro xiisada suudaan asagoo taageero siinayo jabhada rsf oo dagaal kula jirta dawlada milatry ga uu hogaamiyo ee suudaan.
