Shirkii madasha qaranka ee looga go’aan gaadhayay arimaha doorashooyinka dalka soomalia oo muddo 5 bari ah kasocday magaalada mogadisho gadhwadeena ay ka ahayd dawlada federaal ka ah ee somalia qaybna ay ka ahaayeen maamul gobaleedyada dalka marka laga reebo puntland iyo SSC khaatumo ayaa soo idlaaday natiijo laan iyo kala kac.
Dawlada federaal ka ah ayaa soo jeedisay in maamul gobaleedyadu helaan muddo kordhin oo ay doorashooyinka dawlada federaal ka ah ee 2026 dhacayo la waqti noqdaan sidoo kale gudiga doorashooyinka heer qaran ay maamulaan doorashooyinka maamul gobaleedyada.
Maamuladii yimid shirka sida koonfur galbeed,hirshabeele,galmudug iyo gobolka banaadir ayaa dhamaantood la qaatay dawlada dhexe halka jubaland ay diiday ayadoona ku xidhay in intaan go,aan la gaadhin horta miiska la keeno SSC khaatumo iyo puntland. Dadaalo badan oo la bixiyay si loogu qanciyo ahmed madoobe inuu la aragti noqdo maamulada kale ayaa noqon waayay mirodhal waxaana loo diray tiro labo jeer ah madax ka tirsan dawlada sida salah jamac raisal wasaare ku xigeenka iyo sidoo kale laftagareen iyo qoor-qoor balse hawlahaas oo dhan ayaa fashilmay.
Ahmed madoobe ayaa shalay ku noqday kismayo asagoo wax natiijo ah aan laga gaadhin shirka walina aan lasoo saarin warsexaafadeed waxaana aad loogu soo dhaweeyay magaalada kismayo asagoo safaf loogu jiro.
Sidoo kale maamulka puntland ayaa soo dhaweeyay go,aanka ahmed madoobe ee uu ku diiday waxa ka socda xamar oo ay ku sheegeen wax aan dan u ahayn umada soomaaliyeed sidoo kalana u gogol xaadhaya kala tag iyo muddo korodhsi
