Garisaa (afdheer media) Madaxwayne ku xigeenka maamulka puntland mudane ilyaas osman lugatoor oo ka hadlayay magaalada garowe ee xarunta maamulka puntland ayaa aad u dhaliilay dawlada federaalka ee soomaaliya asagoo ku eedeeyay inay ka leexdeen waxii soomali ku heshiisay ee ahaa federaal loo dhanyahay ayna gacantooda ku ekeeyeen dawladnimadii soomalia sidaas ay tahayna puntland ayna daawan doonin.

Iltaas Lugatoor ayaa sheegay in soomalidu sadax heshiis ku ahayd kamida dawlad dhiska soomalia
1 federaal loo dhanyahay
2 awood qaybsiga 4.5 ta ah
3 dastuurki kumeel gaar ka ah ee garowe 1 iyo 2 ilaa imbagaasi.
Madaxwayne ku xigeenka punland ayaa sheegay markii intaas oo soomali ka dhaxeeyay laga weecday waxay taas marag u tahay in kooxda xamar fadhida ee uu xassan hogaamiyo inay rabaan in soomaalidu sii xumaato uun oo aysan soo kaban.
Puntland iyo dawlada federaal ka ayaa xidhiidh aan lahayn doorashadii madaxwayne xassan kadib waxay na dhaliilo iyo eedayn isku marinayeen warbaahinta iyagoo midba ka kale eedaynayo.
Si kastaba ha ahaatee sii kala fogaanshaha maamulka gunta wayn ee puntland iyo dawlada federaalka ah ayaa kusii riixi doona soomalia dib u dhac iyo in gacmo shisheeye dalka soo galaan oo la heshiisiiyo.