Nairobi (afdheer media) Wararka ka laga helayo degmada Cadaadle ee gobolka shabeele ayaa sheegaya in dagaal maanta ka dhqcay degmadaas uu sababay khasaaro iskugu jiro dhimassho iyo dhaawac.
Sida wararka ka imanayo gobolka xaqiijinayaan waxuu dagaalkan salka ku hayaa ceelbiyood ay isku haystaan labo beelood oo wada daga gobolka shabeele waxaana dagaalkan dab ku sii shiday kadib markii beel kamida laba beeloood ee ceelka isku haysta ay dileen nin midna ay dhaawaceen shalayto.
Dhacdadan kadib laamaha amaanka deegaanka ayaa la aheegay in lagu soo daabulay halka dhiilada colaadeed ka jirtay halkii xal iyo kala qaboojin ay ka gali lahaayeen waxay la safteen beel kamida labadii beelood waxayna saaka arintan sababtay in ciidanka liyuuga ee deegaanka soomaalida iyo beeshii kale ee ka hor imaadeen dagaal ka dhax qarxo dagaal kaas oo sababay dhimashada 2 askari oo liyuu police ah iyo 4 ruux oo shacab ah.
Kadib is badalkii deegaanka ka dhacay 2018 ee xukunka lagu dhaafiyay abdi iley deegaanka waxaa aad oogu soo badanaya dagaalada qabaailka oo badanaa isku qabsanaya daaqa iyo biyaha,waxayna xukuumada deegaanka aad ooga gaabisay wax ka qabashada arintan oo hadii aan la xakamayn deegaanka u horseedi karta colaad foolxun oo dooxato ah.