Wararka ka imaanaya wadanka suudaan ayaa sheegaya in jabhada kasoo horjeeda militaruga wadanka xukuma ee suudaan waa rsf eh inay soo rideen diyaarad xamuul muuqaalo baraha bulshada lagu faafiyay ayaa tilmaamaya dagaalyahanada rsf oo dul tuban hadhaaaga wax u muuqda diyaarad meel aan ka fogayn xadka dalka suudaan la wadaago wadanka Chad.
Suudaan ayaa waxaa 8 bilood ee u danbaysayba ku dagaalamayo jabhada rsf iyo dawlada militirigu hogaamiyo ee caalamku aqoonsanyahay,dagaalka suudaan ayaa sababay inay barakacaan dad gaadhaya tuban milion oo qof kuwaas oo kala gudbay wadamada dariska ah sida itoobiya chad iyo wadamada kale.
sida laga arkay burburka, hadda waxaa la sheegay inay ka diiwaangashan tahay oo laga leeyahay dalka Kyrgyzstan ee bartamaha Aasiya, balse duuliyayaasha iyo shaqaalaha ayaa Ruush ah, waxaana lagu xaqiijiyay baasaboorada iyo kaararka ay soo bandhigeen RFS. Balse waxa muhiimka ah waa in la sheegay inay sameeyeen khalad weyn dagaalyahannada RSF, sababtoo ah diyaradda ay soo rideen waxay waday shixnad u socotay isla RSF.
