Jigjiga (afdheer media) odayaal dhaqameed kasoo jeeda dawlada deegaanka soomaalida oo shir ku qabtay mid kamida hoteelada deegaanka ayaa ka hadlay khilaafka dawlada itoobiya iyo somalia ee ka dhashay heshiiskii MOU ga aha ee ay itoobiya la gashay maamulka somaliland bilawgii sanadkan .
Odayaashan ayaa sheegay inay itoobiyaan yihiin ayna taageersanyihiin dawladooda sidoo kalana ay iska celinayaan masar oo ay sheegeen inay colaad kala dhax dhigayso soomalia iyo itoobiya.
Ka hadashiinta odayaasha iyo shacabka ayaa ahaa dhaqan ay caan ku ahayd TPlf oo ayadu soo abaabuli jirtay kooxo caado qaatayaal ah iyo odayo koofiyad cas ah si ay ooga dhigto inay bulshado raali katahay tilaabooyinkii ay qaadi jireen.
Is badalkii ka dhacay guud ahaan itoobiya iyo deegaanka soomaalida ee xukunka lagu dhaafiyay Kooxdii tplf iyo abdi iley ayaa shacabku aad ooga nasteen tacadigii iyo juujuubkii ka hadashiinta waxyaabo ayna raali ka aheen.
Balse baryahan danbe waxaa muuqato in dhaqankii ay dib boodhka ooga jafayaan xisbiga barwaaqo ee abiye ahmed iyo maamulka deegaanka soomalida ood moodo inay garwaaqsadeen inay lama huraan tahay ku laabashada dhaqamadii xumaa ee tplf.
