Tan iyo dib u doorashadii madaxwayne hassan sheekh ee sanadkii 2022 ga waxa uu khilaaf wayn soo kala dhax galay maamulka puntland iyo dawlada federaal ka ah kaas oo sababay in puntland sheegto inayna la shaqaynayn dawlada federaal ka ah.
Puntland ayaa ku eedaysay dawlada dhexe ee federaal ka ah inay taladii dalka ayadu isku ekaysay sidoo kalana ay kutumatay dastuurkii iyo nidaamkii qabiiliga ahaa ee soomalidu wax ku qabsanaysay.
Madaxwaynaha maamulka puntland siciid abdullahi deni ayaa sheegay in burburkii kadib soomalidu sadax qodob ku heshiisay oo dawlad dhiska somalia xal u ahaa
1 dastuurka kumeelgaarka ah
2 nidaamka awood qaybsiga 4.5 ta ah
3 federaal loo dhanyahay
Balse waxuu sheegay in intaas ba meesha ka baxeen kadib imaanshaha xukunka ee MD hasaan sheekh asagoo sheegay in dastuurkii la laalay sidoo kale na la wiiqay nidaamkii awood qaybsiga.
Si kasbba ha ahaatee madaxwayne sicid deni ayaa xalay sheegay in puntland diyaar u tahay wada hadal si khilaafka loo dhameeyo ayna ayadu maal galinayso gogashana dhigayso “puntland hadaan nahay waxaa diyaar u nahay wada hadal hadaan khaldanahy in nala saxaan rabnaa hadaan saxanahayna in nala ayidan rabnaa”
